Dowladdo dib u dejin u sameynaya Qaxootiga laga xirayo Xeryaha Dhadhaab & Kaakuma

by admin | Saturday, Apr 10, 2021 | 318 views

Hay’adda UNHCR oggolaatay in ilaa 100,000 oo Qaxooti ku nool Dhadhaab iyo Kaakumo dib loo dejiyo dalal kale, sida Maraykanka, Canada, Ethiopia iyo South Sudan.
Qorshaha UNHCR waxaa lagu qeexay in 5,000 oo Qaxooti si gaar ah Dib-u-dejin loogu samayn doono dalka Maraykanka.

UNHCR waxaa kaloo u qorsheysan Fulinta Dib-u-rarka Qaxootiga:-
1- In 10,000 oo Qaxooti dib loo dejiyo dalka Somalia,
2- In 5,000 dib loo dejiyo Ethiopia,
3- In 5,000 oo Qaxooti dib loo dejiyo South Sudan,
4- In 3,500 Qaxooti dib loo djeiyo ama loo raro dalka Burundi dabayaaqada sanadkan 2021-ka.
5- In 2,500 Qaxooti Sharciga Degananshaha (Residency Status) ka heli doonaan dalalka ku bahoobay Urur-gobaleedka Bulshada Bariga Afrika ee The East African Community ee EAC, kuwaasi oo kala ah: Uganda, Tanzania. Burundi, Kenya, Rwanda iyo South Sudan.
Haddaba, Warbixinta UNHCR baahisay oo lagu daabacay Warbaahino Kenyan ah iyo kuwo Caalami ah ayaa waxa uu Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi si faahfaahsan u qoray Dulucda Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Madaxa Xafiiska UNHCR ee Kenya, Fathiaa Abdalla.

Like it? Share it!

Leave A Response