DG Puntland: “MW Farmaajo kusoo laabo gogosha oo ha fashilin Shirka Afisiyooni”.{AKHRISO}

by admin | Saturday, Apr 10, 2021 | 372 views

Afhayeenka Madaxtooyada DG Puntland Jaamac Debaraani ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ku dalbaday in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib ugu laabto gogosha wadahadalka ee Afisiyooni.
Jaamac ayaa ka digay in Madaxweyne Farmaajo uu sabab u noqdo fashil ku yimaada wadahadalka socda ee xalka looga raadiya qabsoomidda Doorashooyinka Dalka ee salka u ah heshiiskii 17-kii September 2020 ka dhacay Muqdisho & is afgaradkii 16-kii Febaraayo 2021 ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta kMG ah DG Koofur Galbeed.
“Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Madaxtooyada DG Puntland.Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Habeenkii Arbacada 7-da April 2021 Warbaahinta u sheegay in Shirka Afisiyooni guuldaro uu ku idlaaday kadib markii Madaxda DG Puntland & Jubbaland caqabad ku noqdeen, inkasta oo labadaan Dowlad-Goboleed ay iska fogeeyeen, waxaana ay shaaciyeen in ay ku heshiiyeen in wadahadalka dib la isugu soo laabto Sabtida maanta.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Habeenkii Arbacada 7-da April 2021 Warbaahinta u sheegay in Shirka Afisiyooni guuldaro uu ku idlaaday kadib markii Madaxda DG Puntland & Jubbaland caqabad ku noqdeen, inkasta oo labadaan Dowlad-Goboleed ay iska fogeeyeen, waxaana ay shaaciyeen in ay ku heshiiyeen in wadahadalka dib la isugu soo laabto Sabtida maanta.

 

No description available.

Like it? Share it!

Leave A Response