DP World oo guul-weyn ka gaartay Jabuuti oo $385 milyan lagu ganaaxay

by admin | Saturday, Apr 6, 2019 | 1016 views

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa asiibay guul-darro sharci oo weyn kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee London ay ku amrtay inay lacag dhan 385 milyan oo dollar oo magdhow ah siiso shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World.

Sida ay sheegtay dowladda Dubai, magdhowgan ayaa la xiriira heshiiska maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti ee u dhaxeeya dowladda Jabuuti iyo DP World, kaasi oo Jabuuti ay ka baxday.

Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee London ayaa sidoo kale amartay Jabuuti inay dul-saar ka bixiso ka bixitaanka heshiiska 50-ka sano ahaa ee maamulka dekedda Doraleh.

Bayaan kasoo baxay DP World ayaa lagu yiri “Go’aankan waxa uu DP World siinayaa fursad ay ku dalbato magdhow kale oo dheeri ah haddii Jabuuti ay sii waddo qorshaha ay maamulka dekedda ugu waraajineyso shirkado aan ahayn DP World.”

Jabuuti iyo DP World ayaa sanadii 2006 kala saxiixday heshiis dhigaya in dowladda Jabuuti ay yeelato 67% saamiga dekedda Doraleh, halka DP World ay qaadatay 33%

DP World ayaa dekedda Doraleh ka dhistay terminal ama qeyb loogu magac-daray Doraleh Container Terminal (DCT), oo badeecadaha la isga gudbiyo, kaasi oo loo arko midka ugu casrisan ee dekedda. Terminal-ka ayaa sidoo kale ka ah kan abuura shaqada ugu badan dalka Jabuuti, ayada oo kumanaan qof ay si toos ama aan toos ahayn ay uga shaqeeyaan.

2009, waxaa la furay terminal-ka Doraleh, ayada oo ay goob jog ka ahaayeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah madaxa DP World iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah ku xigeenka maamulaha Dubai.

2009, DP World iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u aas-aasay mashruuca howlgalka Doraleh, si sare loogu qaado dhaqaalaha, loona taageero ganacsiga iyo shaqo abuurka.

Kadib furitaanka guddoomiyaha DP World ayaa billaabay dhismaha hotelka Kempinksi Djibouti Palace Hotel, oo qeyb ka ah mashruuca hoteelada ee Nakheel Hotels.

Sidoo kale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Sheikh Ahmed Bin Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, ayaa furay wadda 16 KM ah oo caasimadda Jabuuti ku xireysa Terminal-ka Doraleh, waxaana lagu dhisay lacag 21 milyan oo dollar ah, oo uu bixiyey Sheikh Mohammed, ayada oo waddadana isaga loogu magac daray.

Jabuuti ayaa bishii March 2018 sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Like it? Share it!

Leave A Response