Xildhibaankii lagu tilmaamay Al Shabaab oo dacwad ka gudbinayo wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre

by admin | Sunday, Apr 7, 2019 | 1052 views

Waxaa sii kordhaya xiisadda ka dhalatay hadal shalay uu xildhibaanada baarlamaanka ku weeraray xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan golaha wasiiradda Xukuumadda Kheyre.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan wasiir Goodax Barre oo uu sheegay inuu isaga ku timaamay inuu Al Shabaab ka tirsan yahay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka hadalkaasi uu ugu gafay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo shaqsiyadiisa sheegay inuu ku tilmaamay inuu yahay xubin Al Shabaab ka tirsan oo baarlamaanka dhex jooga.

Yuusuf Xuseen, ayaa cadeeyay in xildhibaano badan ay kulan ka yeesheen hadalka wasiir Goodax Barre, islamarkaana ay dacwad ka dhan ah u gudbin doonaan guddiga anshaha ee baarlamaanka.

“Arintaasi waa Gaf ama meel ka dhac ah, sharciga ayaana mar hore qawaaniin ka dajiyay, kaligeey iima gafin, xildhibaano badan ayuu u gafay, dowladda oo dhan ayuuna u gafay, Insha allah Sharci ayaan la tiigsaneynaa, guddiga Anshaha ayaana u gudbineynaa dacwadeena”ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xiisadda ka dhalatay hadalkii uu shalay baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya

Sidoo kale dadka ka hadlay arintaan waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya C/Faarax Juxa, isaga oo ka dalbaday xukuumadda Kheyre inay arintaasi jawaab ka bixiso

Like it? Share it!

Leave A Response