Duqa Muqdisho Oo Amray Dadka Iska Leh Xoolaha Magalada Dhexjooga In Ay Todobaadyo Uga Saaraan{Wareegto}

by admin | Wednesday, Jul 4, 2018 | 888 views

Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa waxaa digniin laga soo saaray dadka xoolaha Magaalada dhexdeeda ku soo daaya,taas oo la sheegay in ay dhibaato ku heyso billicda Magalada.

Wareegtada ayaa waxaa la ogeeysiiyey Hay’adaha amniga iyo guddoomiyeyaasha 17 degmo ee Gobolkan Banaadir,waxana digniin loogu diray dadka iskaleh Xoolaha Magalada mararka qaar lagu arko a,iyada oo lagu warheliyey in la mamnuucay in Xoolaha lagu soo daayo Magalada.

Sidoo kale waxaa dadka xoolaha leh lagu amray in mudo Saddex todobaad ah ay fursad u heystaan in ay Xoolaha Magalada ka saaraan,hadii sidoo kale Saddex jeer laga soo dacwoodo xoolahaas lala wareegi doono.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/07/

Like it? Share it!

Leave A Response