XOG CUSUB: Afhayeenka Kooxda Al shabaab Cali Dheere oo si Dirqi ah Naftiisa ula Baxsaday

by admin | Wednesday, Jul 4, 2018 | 937 views

Xog gaara  ayaa sheegeysa in xaalad Qatar ah uu ku jiro Afhayeenka Kooxda Al shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa ogaaday in Al shabaab ay isku khilaafsan yihiin shaqsiga bedelaya Amiirka Kooxda oo la sheegay inuu geeriyooday balse ay beeniyeen.

Saraakiisha ayaa inoo sheegay in ay cadahay in xaalada caafimaad ee Hogaamiyaha Kooxda Axmed Diiriye ay liidatay markii ugu war dambeysay lagana yaabo in kooxda ay qarinayaan geerida horjoogahooda, laakiin waxaa baqdin iyo dagaal sokeeya uu soo kala dhex galay raga awooda ku leh maamulka ee kusoo xigay Hogaamiyaha.

Cali dheere ayaa doonaya inuu noqdo Amiirka Al shabaab laakiin wuxuu culeys badan kala kulmayaa Hogaamiye magaciisa lagu koobay Ciise iyo Mahad Karataay oo doonaya inay kooxda awoodeeda la wareegaan.

Saraakiisha ayaa inoo sheegay in Cali Dheere iyo ciidamo uu wato ay si dirqi ah u baxsadeen walow aysan ogeyn halka uu kusii jeedo,waxaana ay sheegeen in sidaas ay usoo wariyeen sirdoonka kooxda ugu dhex jira.

Ciidamada xoogga dalka ayaa fursad weyn u arka khilaafka iyo dagaal soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sareysay Al shabaab, waxaana suurta gal howlgalo bartilmaameed ah inay qaadaan Ciidanka xoogga dalka iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya oo weerarada dhulka iyo cirka ka taageera.

Like it? Share it!

Leave A Response