Duqeyn diyaaradeed oo mar kale ka dhacday degaano ka tirsan Bakool

by admin | Sunday, Jan 31, 2021 | 301 views

Faah faahino ayaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka hadashay Wasaaradda amniga Maamulkaas.
Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado nooca aan duuliyaha wadin ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Abag-beeday, Gubid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo ka tirsan Gobolka Bakool, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalyahano kamid ahaa Al-shabaab, in kastoo aysan cadeyn tirada xubnaha la dilay iyo magacyadooda.

“Duqeynta ayaana la xaqiijiyey inay ku naf waayeen xubno ka tirsan Alshabaab waxaana duqayntan ay qeyb ka tahay dadaalo loogu jiro sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa Guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda oo lagu daabacay barteeda Facebook.
Habeen horey ayey aheyd markii duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday deegaanka Ma’moodow oo 40-KM u jira degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, waxaana loo maleynayaan inay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, wallow aysan ka hadlin.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan socdaal ku tegay Xudur ayaa sheegay in Maamulkiisa uu doonayo in Go’doonka ay Al-shabaab geliyeen degmadaas iyo deegaano kale laga qaado, waxaana shabaab Xudur go’doomiyeen muddo ku dhow 9 sanno.

Like it? Share it!

Leave A Response