Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Shirkii uu ku baaqay Farmaajo

by admin | Sunday, Jan 31, 2021 | 293 views

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Goordhow War kasoo saaray Shirka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay Shirka wadatashiga ee Madaxweynaha uu isugu yeeray Madaxda maamulada oo maalinta berri ka furmi doona Magaalada Dhuusamareeb, loogana hadli doono khilaafka doorashada.
Qaramada Midoobay ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday inay shirkaas ay ku gaaraan heshiis isku tanaasul ah, isla markaana si deg deg ah loogu fuliyo heshiiskii horey looga gaaray doorashada 17-kii Sebtember.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember”.
Beesha Caalamka ayaa wada dadaal xoogan oo ay ku dooneyso inay kusoo gaba-gabeyso khilaafka hortaagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, Wakiilo ka socday Beesha ayaa shalay kulan la qaatay Madaxweyne Farmaajo, iyagoona kala hadlay xal u helida khilaafka doorashada.

Like it? Share it!

Leave A Response