Faafaahin: Askar Itoobiyaan ah oo isku dishey magaalada Baardheere

by admin | Sunday, Aug 8, 2021 | 300 views

Askar u dhalatay dalka Ethiopia oo kamid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa maanta isku dishey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Labo askari ayaa la sheegay inay ku dhimatay is rasaaseyn dhex martay kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf aan la sheegin balse wararka qaar ayaa sheegaya in khilaafka askartan uu salka ku hayo colaada ka jirta dalka Itoobiya.

Labada askari ee is dishay ayaa kasoo kala jeeda qowmiyadaha Tigrey iyo Amxaaro oo hada colaad u dhaxeyso, waxa ayna labadan askari kawada howlgalayeen saldhig ku yaala gudaha magaalada Baardheere.

Ciidamo badan oo kala qowmiyad ah ayaa ku sugan gudaha dalka Soomaaliya waxaana xiisadaha colaada ee ka jirta gudaha Itoobiya ay saameyn weyn ku yeelatay ammaanka dalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response