Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilalkii ka qaaday Wasiiro kuwo kalena Magacaabay

by admin | Sunday, Aug 8, 2021 | 242 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xil ka qaadis ku sameyey Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada halka kuwo kalena isku shaandheyn lagu Sameyey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa xilalkiii looga qaaday Wasiirada kala ah Garsoorka & Cadaaladda Maxamed Xuseen Xasan (Joon) Warfaafinta Ilyaas Cali Qalinle.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xilka Wasiirka Garsoorka & Cadaaladda waxaa uu u Magacaabay Xasan ibraahim Xasan (Lugbuur)  Warfaafinta waxaa  loo Magacaabay Ilyaas Cali Nuurhalka wasiirka howlaha Guud loo Magacaabay Maxamed Cali Xasan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen xilka wasiirka Wasaaradda Ganacsiga waxaa uu u maacaabay Axmed Maxamed Mashruuc.

Xilka qaadistaan iyo Magacaabista uu sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dalka uu kujiro waqti doorasho, isla markaana degaannada Koonfur Galbeed ay ka dhacayaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal.

Like it? Share it!

Leave A Response