Faafaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya qarxii ka dhacay buula- barde

by admin | Thursday, Sep 28, 2023 | 137 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo noociisu Soomaalida u taqaano Leyla Calaawi.

Inta la xaqiijiyay ilaa 6 ruux ayaa ku dhimatay qaraxaan Ismiidaaminta ah oo 4 ka mid ah ay yihiin dad shacab ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa 11 ruux oo kale.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in gaariga uu qarxay iyadoo rasaas ay ku ridayeen askar ka tirsan ciidanka amaanka, kaasoo ku qaraxay Suuqa lagu iibiyo Hilibka ee degmada Buula burte.

Qof goobjooge ahaa ayaa inoo sheegay in gaariga uu ka yimid dhanka Galbeed ee degmada Buula burte, waxaana xusid mudan in qaraxa uu geystay burbur baaxad leh oo gaaray goobo ganacsi iyo guryo badan.

Sabtigii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax Ismiidaamin oo galaaftay nolosha ku dhawaad 30 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux uu ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response