faafaahin:Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & Howlgal ka socda

by admin | Tuesday, Jul 23, 2019 | 739 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Maamulka Hir-Shabelle ku leeyihiin Garoonka Macmalka ah ee degmada buulo burdo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacado ah socday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle ee degmada Buulo burde ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas,hayeeshee Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay weerarkaas ku dileen laba Askari,isla markaana ay ka qaateen laba qori AK47 iyo booshashkooda.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleyno degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday degmadaas

Like it? Share it!

Leave A Response