faafaahin:Meydka Gabar yar oo laga helay deegaan duleedka ka ah Cadaado

by admin | Sunday, Jul 7, 2019 | 763 views

Wararka laga helayo deegaanka Godinlabe o ku yaalla duleedka Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay mid ka mid ah Xaafadaha deegaankaas lagu arkay  meydka Gabar da’ahaan lagu qiyaasay 10 jir taas oo la dilay.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Cadaado ayaa waxaa ay sheegeen in Gabadha yare e meydkeeda lagu arkay deegaankaas lagu Magacaabi jiray Sagal Garaad Axmed,isla markaana meydka uu ka muuqday jirdil xoogan oo loo geystay.

Dadka ku nool deegaanka Godinlabe oo 30 KM uga beegan koonfur magaalada Cadaado ayaa saakay aad u hadal haayo dhacdadaas,waxaana ehelada Gabadha yar ay sheegeen in ila iyo hadda asyan garaneyn cida dishay Gabadhooda iyo sababta loo dilay.

Maamulka deegaanka Godinlabe iyo taliska deegaankaas wlei kama hadlin meydka Gabadha yare e xalay lag helay mid ka mid ah Xaafadaha deegaankaas,waxaana dhacdadaas ay taahy mid ku cusub deegaankaas

Like it? Share it!

Leave A Response