faafaahin:Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Mar 29, 2021 | 318 views

Qaraxyada oo labo ahaa waxaa ay Maanta kala dhaceen meelo kamid ah degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa 1aad oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa waxaa agagaarka Xarunta degmada Deeyniile lagula eegtay Xoghayaha degmada Deeyniile Mahad Sharaawe, waxaana qaraxa ku dhintay hal ruux oo shacab ahaa halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, iyada oo uu ka badbaaday Xoghayaha degmada Deeyniile.

Dhinaca kale waxaa isna qarax miino uu ka dhacay agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga gaar ahaan dhabarka Dambe ee xerada Damaanyo, waxaana lala egtay gaari Hilux oo kusoo jeeday dhinaca Wasaaradda Gaashaandhigga ee Wadada warshadaha.

Qaraxyada miinada nooca soo boodada ah ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo batay Magalada Muqdisho, waxaana todobaadkii hore qarax ka dhacay degmada Deeyniile lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response