faafaahin:Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ku yaal Gobolka Jubbada Hoose.

by admin | Monday, Mar 29, 2021 | 339 views

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Saldhiga degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Daraawiishta Jubbaland.
Dagaal kooban oo geystay khasaaro kala duwan ayaa degaan ka Baar-sanguuni ka dhacay shaalay galab , waxaana dadka degaanka qaarkood ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga ee ka howlgalla degaannada Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan marka laga reebo dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response