faafaahin:Rag hubeysan oo saaka lagu toogtay Magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 346 views

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay laba Ruux oo hubeysnaa ku toogteen nawaaxiga Isgoyska Albaraka ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow Maqaayadda Ceynushamsi

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in labada Nin oo watay mooto Bajaaj ay ahaayeen burcad dadka Mobeelada ka dhacayay, hayeeshee ay kusoo baxeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,isla markaana is rasaaseyn kooban ay dhex-martay labada dhinac.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan  in labada Nin mid kamid ah uu geeriyooday halka midka kale uu dhaawac soo gaaray, kaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada booliska Soomaaliya.

Howlgalkaan lagu toogtay labada Nin ee Burcadda ah ee ka Dhacay nawaaxiga isgoyska Albaraka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeeno ka hor degmada Dharkeenleey uu ka dhacay howlgal lagu dilay rag bucad ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response