Galmudug oo War kasoo saartay Saraakiishii la dilay

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 348 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu dilay saraakiil ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay gaysteen meleshiyaad aan ilaa iyo hadda la xaqiijin waxa ay yihiin kuwaas oo saraakiisha geeriyootay wadada u galay kadibna rasaas ku furay xili ay ku sii jeedeen degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ilaa toddobo sarkaal ay geeriyoodeen laba kalana la’ yahay raq iyo ruux.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa Guriceel iyo Balanbal waxaana saraakiishan ay shalay galinkii hore joogeen isla markaana howllo shaqo ka wadeen magaalada Guriceel iyadoo galinkii dambana gaarigii ay la socdeen lagu beegsaday deegaan lagu magacaabo Cagfaroge oo u dhaxeeya Balanbal iyo Guriceel.

Laamaha amniga Galmudug iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee deegaannadas ayaa wada dadaallo ku aadan hubinta sida ay wax u dhaceen cidii ka dambeysay iyo tirada rasmiga ah ee weerarkaas wax ku noqtay maadama halka falku ka dhacay ay tahay deegaan miyi ah .

Mr Falagle ayaa sheegay in maamulkiisu uu saacadaha soo socda dadweynaha la wadaagi doono faahfaahinta wararka ku gedaaman falkaan saraakiisha ciidamada dowladda lagu laayay.

Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug weli kama hadlin weerarka lagu dilay saraakiisha ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in saraakiishaan loo dilay sababo la xiriira aanooyin qabiil.

Dhinaca kale war qoraal ah oo la soo dhigay barta facebook-ga ee Wasaaradda amniga gudaha Galmudug ayaa lagu yiri “Ciidamada amaanka Galmudug hawlgal baahsan oo ay ka wadaan deegaankii faldanbiyeedkaas foosha xun uu ka dhacay, waxay ku guulaysteen in ay soo badbaadiyaan saraakiishii la weeraray qeyb ka mid ah ayagoo ku raadjooga kooxihii dilkaas geystay si cadaaladda loo horkeeno

Like it? Share it!

Leave A Response