Dad loo xir xiray dilkii Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 341 views

Qaar kamid ah shaqsiyaadkii ku lugta lahaa dilkii Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka ayaa la xiray.

xussein Amir Cabdollahian, ayaa TV-ga Al-Alam u sheegay inuusan awoodin inuu faahfaahin dheerad ah ka bixiyo arrintan, sababo ammni awgeed, balse waxaa uu sheegya in kuwa dilka geystay aysan ka baxsan doonin caddaaladda.

Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan cadeymo muujinaya in Israel ay ku lug lahayd dilka saynisyahankan hase yeshe Israel ilaa iyo hadda arrintan kama aysan hadlin

Saynisyahankan, Mohsen Fakhrizadeh, waxaa lagu dilay meel u dhow Tehran 27-kii Noofambar.

Mas’uuliyiinta Iiraan waxay soo bandhigeen warar is khilaafsan oo ku saabsan sida loo toogtay isaga oo safar ku marayay magaalada Absard.

Maalintii uu weerarka dhacay, wasaaradda difaaca waxay sheegtay in is rasaaseyn ay dhex martay ilaalada Fakhrizadeh iyo dhowr dabley ah.

Warbixinta Iiran ayaa sidoo kale soo xigatay dad goob joogayaal ah oo sheegaya in “seddex ilaa afar” qof oo weerarkaasi soo qaaday la dilay.

Balse axadii mid kamid sarakiisha ugu sareeya ilaalada kacaanka Iiraan ayaa sheegay in qori dhanka dayax gacmeedka laga hago oo sida darandooiga u dhaca lagu dilay Fakhrizadeh.

Like it? Share it!

Leave A Response