FAAH FAAHIN:ALSHABAAB OO JILIB DAGAAL FOOLKA FOOL AH LAGULA GALEY QASAARANA LAGU GAARSIIYEY

by admin | Saturday, Jul 18, 2020 | 450 views

Warar ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus oo foolka fool ah halkaasi ku dhexe marey Dagaal yahanada Alshabaab iyo ciidamo faracsiis ah.

Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii ay duleedka degamada Jilib kadegeen 3 Dayaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca kuwaas oo ciidamo aad u hubeysan kudaadiyey halkaasi ciidankaasi oo weerer lug ah ku galey fadhiisamo shaababka kulaayeen degmada Jilib.

Saraakiil katirsan Sirdoonka Soomaaliya oo caawinayay kuwa faransiiska ayaa sheegey in howlkan uu ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyey isla markaana lagu doonayey in lagu soo qabto Amiiro katirsan alshabaab oo dagaalka kudhintey.

sargaalkan ayaa sheegey in Dagaal yahanada Alshabaab ay isku dayeen iska_caabin balse xoog lagu maquuniyey lana toogtey saraakiishii alshabaab kadib markii ay diideen in ay is dhiibaa waa sida hadalka udhigey sargaalkan katirsan wardoonka soomaaliya oo diidey in magaciisa saxaafada loo adeegsado.

Howl galkan oo socodey mudo kooban oo 51 daqiiqo ah ayaa lasheegey in lagu diley 16 dagaal yahan iyo 2 sargaal oo katirsan dagaal yahanada Alshabaab taas oo dhimashada guud kadhigeysa 18 dagaalame, kuwaas oo isugu jiray saraakiishii Shabaab ee ladoon doonayey iyo ilaadooda waxaana ku dhaawacmey 23 katirsan dagaalamayaasha alshabaab sida aan kasoo xiganey saraakiisha Amniga DFS.

Xiriiro aan lasameyney dadka deegaanka waxaa ay caqiijiyeen dagaalka ayagoona sheegey in ay mar moodeenba in degmada jilib lala wareegey walow markii dabmbe xabu iskeeda u istaagtey sida uuu sheegey goobjooge kusugan degmada Jilib.

wixii kusoo kordha dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa insha allah

Like it? Share it!

Leave A Response