Maxkamada Ciidanka oo xukun ku riday Xudeyfa Daa’uud

by admin | Saturday, Jul 18, 2020 | 476 views

Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim ayay Maxkamadda Ciidamada ku xuntahay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

25-kii November Sanadkii tegay ayaa lagu qabtay isaga oo ku xiray Qarax gaari markii dambe Isgoyska Zoobe ku qurxay, lamana soo warin qasaara Nafeed marka laga tago gubashada Gaariga.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha lagu soo qabtay isaga oo falka gacanta kula jiray Halka Qareenada ay ku dodeen in loo Naxariisto maadama ay tahay shaqadiisii ugu horreysay ee uu ku fashilmay cidina aysan wax ku noqon marka laga reebo bur bur hantiyadeed.

Ugu dambey Maxkamadda ayaa ku Xukuntay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursada kale oo uu ku dalban karo Rafcaan Muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Like it? Share it!

Leave A Response