Jarmalka oo ku baaqay in la adkeeyo cunaqabateynta Saaran Liibiya

by admin | Saturday, Jul 18, 2020 | 462 views

Jarmalka ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo cuna qabateynta hubka ee Libya, kadib hanjabaadihii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ee hubeeynta qaar ka mid ah qabiilooyinka Liibiya, kuwaa oo kasoo horjeedda Dowladda Caalamka ee la aqoonsan yahay.

Isagoo ka hadlayey warkii kasoo baxayay Berlin, Christofer Burger, oo ah ku xigeenka afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda, ayaa waxaa uu cadeeyay in cuna qabateynta hubka ee Liibiya ay quseyso dhammaan dhinacyada.

Diblumaasi Jarmalka ah ayaa ku baaqay “in si dhakhso ah loo joojiyo” taageerada militariga shisheeye oo loo fidinayo dhinacyada isku haya dagaalada sokeeye ee ka qarxay Libya.

Al-Sisi wuxuu khamiistii ku kulmay madaxda qabiilooyinka Liibiya caasimada Masar ee Qaahira, halkaas oo uu ku hanjabay in Masar “dhinacna u istaagi doonin” marka laga soo tago abaabulka millatari ee sii kordhaya, kaasi oo kasocda magaalada Sirte ee waqooyiga Liibiya.

Dowladda Liibiya waxay dhowaanahan gaartay guulo militari oo muhiim ah, taas oo xoogagga Haftar ka riixday Tripoli iyo magaalada istiraatiijiga ah ee Tarhuna.

Like it? Share it!

Leave A Response