Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 139 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay fiidkii hore ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Beera yabaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidanka dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar culus ku qaadeen goob ku taala nawaaxiga deegaanka Beera yabaal oo ay isku aruursanayeen xubo ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo qaatay dhowr saacadood oo xiriir ah, kasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sarkaal u hadlay ciidamada macawiisleeyda ee weerarka culus ku qaaday xubnaha ka tirsan Shabaab ee isku aruursanaayay nawaaxiga deegaanka Beera yabaal ayaa inoo sheegay in weerarka ay ku dileen 5 ka mid ah Ururka Al-shabaab ayna ku dhaawaceen tiro intaas ka badan, islamarkaana ay la wareegeen goobta ay ku dhuumaaleysanayeen.

Si kastaba dagaalkaan ayaa imaanaya, iyadoo Al-shabaab horay looga saaray guud ahaan deegaanada dhaca Bariga gobolka Hiiraan, hayeshee waxaa haatan muuqata in kooxda ay dib ugu soo laaban hayso deegaanadii laga saaray, kadib markii uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa ee looga saaray inta badan gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response