Suuqa degmada AFGOOYE oo maanta xiran {sawiro}

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 75 views

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saakay sheegaya in uu xiran yahay inta badan suuqii ugu weynaa Afgooye.

Suuqa Afgooye ayaana sababta uu xiran yahay lagu sheegay in halkaasi tageen rag sheeganaya in ay leeyihiin milkiyadda dhulka uu kuyaallo suuqa ,taa oo xiisad dhalisay sababna u noqday in saakay xirmo.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa Afgooye ayaa sheegay in ay u yimaadeen rag warqado wata oo aysan aqoon, waxa ayna baaq u direen maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan Koonfur Galbeed in ay soo farogaliyaan xiisada taagan.

Ciidamo hubeesan ayaana wararku sheegayaan in lagu arkayo Suuqa Afgooye, ganacsatada Suuqa ayaana lasoo daristay xaalad cabsi iyo jahwareer isugu jirta.

Like it? Share it!

Leave A Response