Dab khasaaro geystay oo ka kacay Suuqii ugu weynaa ee Magaalada Jigjiga

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 146 views

Dab ka kacay suuqa tayeynta cusub ee magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida fiidnimadii dambe ee xalay ayaa geystay khasaare hantiyeed oo xooggan walow an wali la sheegin inta uu la egyahay khasaaruhu.

Dabkan qasaday suuqa weyn ayaan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay, halka uu ka bilowdday iyo sababta intaba, waaxana dabka uu ahaa mid xooggan oo gebi ahaan ku faafay Suuqa.

“Shacab iyo dawladba waa la dadaalayaa masiibadani dabkuna ma sahlana hadana waa la dadaali anagoo Allaah la kaashanayna” waxaa sidaasi tiri Marwo. Xaliimo xasan, Wasiirka Xafiiska Arrimaha haweenka & caruurta ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee dab demiska ayaa buux-dhaafiyay waddooyinka soo gala suuqa gubtay, waxaana  Sawirro lasoo qaaday ay muujinayaan baaxada uu ahaa dabka qabsaday suuqa tayeynta cusub ee magaalada Jigjiga.

Like it? Share it!

Leave A Response