Biden oo shaaciyay inay burburiyeen hubkoodii kiimikada ahaa ee ugu dambeeyay

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 178 views

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xaqiijiyey in uu dalkiisu burburiyey hubkiisii kiimikada ahaa ee ugu dambeeyay.

Tallaabadan ayaa daba socotay dedaal tobanaan sano socday oo lagu doonayey in dunida looga cirib tiro hubkan halista ah, kadib markii dagaalkii kowaad ee aduunka si xad dhaaf ah loo isticmaalay, markaas oo loo arkay mid dabar goyn kara aadmiga.

Heshiis ay wada gaareen dalalka hubkan samaystay kaas oo dib u sixid lagu sameeyay sanadkii 1977 ayaa dalbanaya in hubkan caalamka laga cirib tiro halka lagu gaaro bisha sagaalaad ee sannadkan 2023.

“Maanta, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Maraykanku uu si badbaado leh u burburiyay hubkii ugu dambeeyay ee kaydkaas ku jiray – taasoo noo soo dhawaynaysa hal tallaabo oo dunidu kaga xorowday argagaxa hubka kiimikada,” ayuu Biden ku yiri hadal qoraal ah oo uu sii daayay Aqalka Cad. . Maraykanku waxa uu burburiyay kaydkiisii hadhay ee Keydka Kiimikada ee Pueblo ee goblka Colorado, iyo Blue Grass Army Depot (BGAD) oo ku taal gobolka Kentucky.

Like it? Share it!

Leave A Response