In ka badan 1,500 Arday oo Maanta Baledweyne u fariisatay Imtixaanka Fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 257 views

Waxaa Maanta oo Sabti ah Imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare oo ay sanad walba qaado dowladda Soomaaliya u fariistay ardyada ku nool magaalada Baledweyne oo uu horay kaga baaqday Imtixaanka, kadib Fatahaadii uu dhawaan ka sameeyay wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ardayda Maanta u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala magaalada Baledweyne ayaa tiradooda lagu sheegay 1,535 arday oo wax ka barata dugsiyada sare ee ku yaala Baledweyne.

Imtixaanka Maanta bilaawday ayaa ardayda waxay ku galayaan ilaa 7 xarumood oo ku kala yaala xaafadaha magaalada Baledweyne, waxaana amaanka goobahaasi sugaya ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

“Waxaan ogeysiineynaa ardayda magaalada Baledweyne ee imtixaankoodi uu u baaqday fatahaaddii uu sameeyey webiga shabeelle in ay galayaan Imtixaanka 8-da Luulyo 2023. Waxaan rajeyneynaa in aad la shaqeysaan kor meerayaasha, saraakiisha iyo ilaaliyeyaasha imtixaanka, una hoggaansanaataan shuruucda loo dajiyey” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sarre ee Soomaaliya.

Si kastaba Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2022/2023 ayay dowladdu qaaday 27-kii bishii May ee sanadkaan 2023, kaasoo ay u fariisteen arday tiradoodu gaareysay 33,700, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana xiligaas imtixaankooda dib loo dhigay ardayda Baledweyne oo ka barakacay fataahadii ku dhufatay Baledweyne 9-kii bishii May ee sanadkaan, kuwaas oo ugu dambeyn maanta u fariistay imtixaankooda.

Like it? Share it!

Leave A Response