Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin oo kulan kuyeeshay Ankara

by admin | Thursday, Aug 31, 2023 | 92 views

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa kulan uu ku dhex maray Madaxweyneyaashii hore ee Somaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qaban qaabada kulanka oo uu lahaa Farmaajo ayaa ujeedadiisu aheyd in Madaxweyne Farmaajo cafis ka dalbado Madaxweyne Shariif, gaar ahaan dhacdooyinkii dhacay mudaddii uu xukunka hayay Farmaajo sida weerarkii Hotel Maa’idda iyo xanibaaddii diyaaradaha.

Labadan masuul ee hore dalka usoo hoggaamiyay ayaa labo jeer is arkay, kulanka hore ayay keli ku ahaayeen, halka kulanka labaad uu Farmaajo la socday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, iyadoo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay muddaba raadinayeen siyaasi ku beel ah Xassan Shiikh oo ay ku dagaal galaan.

Lama xaqiijin karo kulanka labada dhinac in uu ku koobnaa raali gelin iyo iney ku sameysteen isbaheysi siyaasadeed oo mucaaradsan dowladda Madaxweyne Xassan Shiikh.

Kulankooda ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay dagaal xooggan kula jirto kooxda As.

Like it? Share it!

Leave A Response