As oo dad shacab ah ku leysay duleedka Ceelbuur

by admin | Thursday, Aug 31, 2023 | 92 views

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay Al-Shabaab ku leysay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolkaasi, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo xoogan.

Dhibtaadan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhacday deegaan 40 KM qiyaastii u jira degmada Ceelbuur oo kamid ah magaalooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay halkaasi ku dileen ku dhawaad 30 qof oo la sheegay inay u badnaayeen dad shacab ah oo doonayay inay kasoo tegaan halkaasi.

Dadkan ayaa waxaa sidoo kale ku jiray xubno dagaalamayaal ah oo ka tirsanaa kooxda, sida aanu kasoo xiganay ilo dhanka amniga ah oo lagu kalsoonaan karo.

Kooxda ayaa ku eedeysay dad ay dishay inay doonayeen inay soo aadaan dhanka ciidanka dowladda, ayna ku biiraan gulufka dagaal ee haatan ka socda gobollada dhexe.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan dhacdadaas oo si weyn looga hadlay hayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Al-Shabaab ayaa horay shacab badan uga afduubtay degmada Ceelbuur, waxayna la aadeen dhulka howdka ah ee magaaladaasi, halkaas ay ku dhuumaaleysanayaan.

Bariga gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ay guullo kasoo hooyeen ciidamada huwanta, inkastoo ay deegaanada haataan dib uga soo baxeen.

Like it? Share it!

Leave A Response