Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay sababaha ciidanka uga soo baxeen deegaanada qaar

by admin | Thursday, Aug 31, 2023 | 87 views

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ciidanka dowladda usoo baneeyeen qaar ka mid ah furimaha dagaalka.

Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka hor jeediyay ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiin sare oo uu ka mid ahaa Raysal wasaare Xamse oo halkaasi booqasho ku tagay ayaa si kooban uga hadlay waxyaabaha keenay in ciidanka dowladda ay dib uga soo baxaan deegaanada qaarkood.

“Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo jirto ayey uga soo baxeen, marka dadka reer Aadan yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada Aadan yabaal, dadka ha difaacdaan Magaaladaan indhaha ayey isku sii qabsan doontaa hadii maanta lasoo galo oo Shabaab dib ugu soo laabdaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin.

Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo sidoo kale sheegay inuu deegaan ahaan kasoo jeedo degmada Aadan yabaal ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga dalbaday raysal wasaaraha Xamse Cabdi Barre in Xukuumaddiisa ay degmada Aadan Yabaal siiso mudnaan gaar ah oo lagu hormarinaayo.

“Degmada Aadan Yabaal ragga ka dagaalamay waa ragga ugu waxtarka badan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah Raysal Wasaare, marka waxaan kaa codsaneynaa inaad gadaal u soo fiiriso reer Aadan yabaal” ayuu yiri Taliye Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin.

Si kastaba ha ahaatee hadalka kasoo yeeray Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu ku sheegay in ciidanka ay dib uga soo baxeen furimaha qaar farsamo ayaa dadka Soomaaliyeed ka dhex dhalisay hadal heyn badan, maadama deegaanada ciidanka ay kaso baxeen qaarkood waqti hore laga xureeyay kooxda As.

Like it? Share it!

Leave A Response