Fiqi ka badbaaday isku day dil iyo wararkii ugu dambeeyey

by admin | Sunday, Jun 7, 2020 | 420 views

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo xalay warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey howlgallo 24-kii saac ee la soo dhaafay laga sameeyey koonfurta magaaladaasi.

Fiqi ayaa sheegay in howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan lagu soo qabtay qarax miino oo uu tilmaamay in la doonayey in isaga loogu dhajiyo gaariga, si loogu khaarijiyo.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka oo xog ka helay qaraxaasi ay ka hortageen, islamarkaana ay fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in falkaasi uu fulin rabay nin ganacsade ah oo Al-Shabaab xiriir la-lahaa, kaas oo uu magaciisa ku sheegay, Aweys Macalin Maxamed Xasan oo la shaqeynayey nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Faarax oo ku magac dheeraa (Xuseen), kana soo jeedo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Valueimpression Placeholder

Wasiirka amniga Galmudug oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in Aweys gacanta lagu dhigay, kadibna ay ka xog wareysteen waxyaabo la xiriira isku dayga dilka ah, halka uu xusay in Maxamed uu la diriray Danab, kuna toogteen shalay Gaalkacyo.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalo ballaaran ay ka socdaan koonfurta Gaalkacyo iyo guu ahaan Galmudug, kuwaas oo ujeedkoodu yahay sidii loo burburin lahaa shabakado ku howlan falal amniga iyo dilal ka dhan ah mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response