Gaadiidleeyda Magaalada Boosaaso oo Shaqa joojin sameeyay

by admin | Saturday, Dec 19, 2020 | 337 views

Darawalada Gaadiidka kala duwan ee ka Shaqeeya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari Puntland ayaa waxaa ay dhigheen banaanbax, iyaga oo shaqa joojin sameeyay.

Darawalada ayaa waxaa ay ku sheegeen sababta ay Shaqa joojhinta u sameeyeen inay tahay kadib markii la diiday  isticmaalka lacagta Shillinak Soomaaliga ah, caqabadaas oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd degaannada Puntland.

Qaar kamid ah darawalada Gaaiidka kala duwan ee ka Shaqeeya Boosaaso oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay la kulmayaan dhibaato weyn markii laga diiday isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga sidaasina ay Sahqa joojinta u samaayeen.

Waxaa ay sheegeen in nolol maalmeedkooda ay ku raadsan jireen Gaadiidka ay ku Shaqeystaan,, isla markaana hadii la didiay isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga ay dhibaato ku tahay.

Ugu dambeyn Darawalada Gaadiidka kala duwan ee ka Shaqeeya Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Puntland gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda in ay arrntaasi waxka qabtaan.

Dhinaca kale guud ahaan Suuqyada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa istaagay isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo Shacabka qeybahooda kala duwan ay walaac ka muujiyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response