Galmudug & Jubbaland oo shaaciyay jadwalka doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka

by admin | Wednesday, Feb 16, 2022 | 353 views

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulada Galmudug & Jubbaland ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada min Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo ee Gobolada Galgaduud iyo Jubbada Hoose.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo taariikhdu tahay 16 la diiwaangelinayo musharrixiinta Saddexda Kursi oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug, isla markaana Beri oo khamiis ah la qabanayo Saddexda Kursi ee kala ah.

1: HOP#147 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Mahad Maxamed Salaad, waxaana kursigaas u sharraxan Xubno uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaasir Cali Yare Cali.

2: HOP#035 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha guddiga amniga ee golaha shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey

3: HOP#055 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Sakariye Xasan sheekh Cali.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada halka kursi ee ka harsan Aqalka Sare, kaas oo uu baneeyey Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo u wareegay Golaha Shacabka, waxaana ku tartamaya Farxaan Cali Maxamuud oo ah Wasiirka Maaliyadda Galmudug iyo Naciimo Yuusuf Sheekh Maxamed.

Dhinaca kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 3 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Jubbaland.

Kuraastaan oo doorashadooda la qabanayo 17-ka Bishaan oo Khamiista ku beegan ayaa halka kursi oo kamid ah Dumar loo xiray, waxaana ay kala yihiin.

1: Hop#023 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Cali Maxamed Muuse, balse laga dhigay qoondo Dumar.

2: Hop#132 oo uu ku fadhiyo Ibraahim Maxamed Xuseen Buule.

3: Hop#092 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa horay u qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in dhawaan sidoo kale ay sii dardar geliyaan doorashada.

Like it? Share it!

Leave A Response