Galmudug oo yeelatay Baarlamaan ka kooban 178;Xildhibaan

by admin | Tuesday, Mar 27, 2018 | 1025 views

Maamullada Galmudug iyo dowlad Goboleedka Gobollada dhexe ayaa sameeyay isku dhafka xubnaha Baarlamaanka ee labadaasi maamul.
Munaasibad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug,ayaa waxaa la iskula dhafay Xildhibaannada Baaralamaanka labada Maamul iyada oo munaasibaddaas ay ka qeybgaleen madaxda Galmudug oo dhan.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa sheegay in isku dhafka Xildhibaannada labada Maamul ee hadda noqday 178 xildhibaan ay qeyb ka ahayd heshiiskii labada maamul ay ku yeesheen Dalalka Kenya,Jabuuti iyo Caasimadda Dalka ee Muqdisho.
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa isna sidoo kale ka hadlay madasha,waxa uu bogaadiyay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna iyo heerka uu maanta marayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa isaguna ka hadlay madasha lagu mideynayay labada baarlamaan,waxaana uu sidaas ku yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee la gaarsiiyay 178 xildhibaan.
Galmudug waxaa ay hadda noqotay Maamul Goboleedka ugu baarlamaanka badan maamul Goboleedyada ka jira dalka Somaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response