Dil ayaa ka dhacay Afgooye

by admin | Tuesday, Mar 27, 2018 | 1084 views

Dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen wiil ka mid ahaa Dhalinyarada degmada oo si weyn loo garanayay, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay qeybta 21-ka October ee degmada ayaa waxaa geystay laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, raggii dilka gaystay ayaa sidii caadada aheydba meesha isaga baxsaday.

Ninka Dhalinyarada ah ee xalay lagu toogtay degmada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Mayow C/laahi Xuseen, kaasi oo ay Da’diisa u dhaxeysay 20 ilaa 30 sano.

Ehelada Marxuumka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in wiilkooda uu isaga shaqeysan jiray Mootada Bajaajta mararka qaarna uu wadan jiray Mootada labada lug leh, Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkaasi loo gaystay wiilka Dhalinyarada ah.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa u dhaweyd Buundada yar oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, dilka kadib kama aysan soo bixin fariisinkooda, sida uu Idaacadda Risaala u sheegay qof goobjooge ah.

“Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa caawa degmada waxa ay ku dileen Mayow C/laahi oo ka mid ahaa Dhalinyarada degmada, wiilka Mooto ayuu iska wadan jiray, wallaahi ma aqaano sababta loo dilay, ragga dilka geystay waala qaban karay hadii Ciidamada ku sugnaa Buundada yar ay ku soo bixi lahaayeen, balse far ma aysan soo dhaqaajin.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Dilalka qorsheysan ayaa siyaabo kala duwan mararka qaar uga dhaca Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda, inta badan dilalka nuucaan oo kale ah waxaa geysta ururka Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response