Shabaab oo si aan looga baran uga hadashay xiisada Beled Xaawo

by admin | Tuesday, Mar 27, 2018 | 1333 views

Afhayeenka Ururka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa wareysi 11 Daqiiqo socanayay oo uu siiyay Idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Shabaab wuxuu kaga hadlay xiisada ka taagan degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, taasi ka dhalatay is qabqabsi ku bilowday xuduuda labada dal.

Wuxuu sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Kenya ay qabsato dhul Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in Kenya ay ku soo duushay qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya, isaga oo sheegay in falkan uu yahay daan daansi qaawan.

Maamulka Jubbaland ayuu ku eedeeyay in raali ay ka yihiin in Kenya ay xad gudub ku soo sameyso dhulka Soomaaliyeed, balse wuxuu sheegay in aysan u suuragali doonin in Kenya ay heysato Dhul Soomaaliyeed.
Sheekh Cali Dheere ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Beled Xaawo ku ammaanay qaabka ay uga dhiidhinayaan xad gudubka Kenya ay ku soo sameysay Soomaaliya, shacabka qaar ayaa sheegay in guryahooda la dumiyay.

Sidoo kale Afhayeenka Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan ololaha ay wadaan shacabka Beled Xaawo oo ay isaga difaacayaan Kenya, isaga oo intaa raaciyay in arrintan aysan u dulqaadan doonin oo ay jawaab ka bixin doonaan.

“Dowladda Kenya ma ahan markii ugu horeysay oo ay qabsato dhul Soomaaliyeed oo dad muslimiin ahna ay gumeysato, waxay ku soo duushay qeybo badan oo ka mid ah dhul Soomaaliyeed, waxaan u aragnaa dulmi iyo duulaan, marna ma aqbaleyno in Kenya ay ku soo xad gudubto dhul Soomaaliyeed, Mujaahidiintu waxay diyaar u yihiin in ay garab iyo gaashaan u noqdaan shacabka Beled Xaawo.” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa shalay joojiyay dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xuduuda u dhaxeysa Magaalooyinka Mandhera iyo Beled Xaawo, kadib markii khadka telefoonka ay ku wada hadleen isaga iyo Uhuru Kenyatta.

Shacabka Degmada Baled Xaawo ayaa maalmahan waday olole xooggan oo ay kaga hortagayaan qorshaha dowladda Kenya ay ku doonaysay inay dari kaga xayndaabto xuduuda labada Magaalo ee Mandhera iyo Baled Xaawo.

Like it? Share it!

Leave A Response