Galmudug & Puntland oo heshiis ka gaaray dil ka dhacay Gaalkacyo

by admin | Sunday, Apr 17, 2022 | 402 views

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Puntland Eng Maxamud Cabdinuur Aaden , iyo dhigiiisa Galmudug Cabdiraxman Shiikh xasan , Odayaasha Guddiga  Nabadda,  iyo Labo-Beelood oo dhawaan nin iskaga dhintay ayaa si rasmi ah  uga heshiiyay .

Dilka AHUN Marxuum Duraan Maxamud Cabdulle oo si shil ah u dhacay ayaa arintiisu muddo dheer ay soo jiitamaysay ,  waxaana si rasmi ah labada Maamul  iyo Odayasha nabadda ay ugu guulaysteen in Labada-Beelood ee dilku ka dhex-dhacay ay si rasmi ah uga Heshiiyaan Dilka Marxuumka , waxaa Madasha lagu bixiyey

  1. Qiimaha qorigii marxuumka lagu dilay oo dhan $ 1000 USD
  2. Duugtii marxuumka $ 1000 USD
  3. Xaal iyo sooryo $ 3000 USD
  4. Rafisada magta marxuunka $ 3’300 USD

ISUGEYN GUUD $ 8’300 USD

Waxaa lagu balamay in magta inta hartay la bixiyo mudo sideed bilood ah hadii alle idmo.

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo  ee Puntland  Eng Maxamud Cabdinur Aaden , ayaa labada-beelood uga mahad-celiyay sida garowshaha iyo Dulqaadka lahaa ee ay marwalba diyaarka ugu ahaayeen in ay nabad ku soo dhammaato arinta, si lamid ah Gudoomiyaha ayaa u Mahadceliyay Odayaasha Nabadda iyo Dhigiisa Galmudug oo door-shiif ah ka qaatay Nabadaynta labada Beelood..

Like it? Share it!

Leave A Response