13 Suxufi oo maalinkii Saddexaad u xiran ciidanka Somaliland

by admin | Saturday, Apr 16, 2022 | 382 views

Waxaa magaalada Hargeysa ku xiran maalinkii Saddexaad 13 Suxufi oo qaarkood ay ka mid yihiin kuwa sida weyn loogu yaqaano Somaliland ka dib markii ay qabteen Ciidanka booliska Somaliland xilli ay tabinaayeen rabasho ka socday xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Kulan ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxabannaan ee Somaliland  xalay ayaa lagaga wadahadlay xadhiga suxufiyiinta tirada badan ee ku xidhan magaalada Hargeysa, falanqayn dheer kadibna waxa kulankaas ka soo baxay qodobadan.

1. Suxufiyiinta Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynayaan xadhig-wadareedka lagula kacay suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta madaxabaanaan, kuwaas oo maalintii saddexaad si sharci-darro ah ugu xidhan Hargeysa.

2. Suxufiyiinta Somaliland waxa ay ka walaacsan yihiin xaaladda ay xiligan ku sugan yihiin saxafiyiintaas xidhan oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo kala duwan, isla markaana aan weli la gayn goobo caafimaad ama aan helin daryeel caafimaad.

3. Suxufiyiinta Somaliland waxa ay ka walaacsan yihiin inay ogaadeen inay jiraan siyaasiyiin badan iyo shaqsiyaad caan ah oo u sacabo tumaya xadhiga iyo hagardaamada Suxufiyiinta, kuwaas oo ay saxaafadduna il gaar ah ku hayn doonto wixiii hadda ka dambeeya.

4. Kulankan waxa la iskula qaatay in bahda warbaahintu ay shirar kale oo ballaadhan isugu yimaadaan, kaas oo ay kaga wada-tashan doonaan tacaddiyada iyo dhibaatooyinka lagula kacayo warbaahinta madaxbannaan, isla markaana laga soo saari doono baaqyo iyo qodobo culus oo hiil u noqda ilaalinta madaxbannaanida Saxaafadda iyo xoriyatul qawlka lagu damaanad qaaday dastuurka iyo shuruucda dalka Somaliland.

5. Haddii ay sii socdaan dhibaatooyinkan lagu hayo saxaafaddu, waxa ay warbaahinta Somaliland ka fiirsan doontaa wada-shaqaynta Xukuumadda xiligan talada dalka haysa.

6. Saxaafadda Somaliland iyada ayaa cid walba uga tacab iyo lexejlo badan horumarka qaranka Somaliland iyo ilaalinta jiritaankiisa, iyadoo ay horena door weyn uga soo qaatay dib-u-dhiskii iyo nabadayntii dalka Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response