Ganacsatada Soomaalida ee Islii oo dalbaday ciidan u ilaaliya Hantidooda.

by admin | Wednesday, Jul 12, 2023 | 95 views

Ganacsatada Soomaalida ee Kenya gaar ahaan Xaafadda Islii ayaa Dowladda ka dalbaday in ay siiso ciidamo u ilaaliya hantidooda maadaama mucaaradka uu ku dhawaaqay dibadbax ay diidan tahay Xukuumadda William Ruto.

Waxa ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan boob iyo dhibaatooyin kale oo loo geysto nafta & hantida Dadka Ganacsatada ah sidaas awgeed Dowladda ay ka sugayaan in ay aqbasho dalabkooda la xiriira in ay ciidamo geyso Goobaha Ganacsiga.

Cumar Ibraahim oo ah Xoghayaha Guddiga Ganacsiga Islii ayaa sheegay in hanti badan ay taallo Xaafaddaas isla markaana ay ku hareereysan yihiin Xaafado ay degen yihiin Dad danyar ah sidaas darteed ay dalbadeen ciidamo amniga xaqiijiya.

Mucaaradka oo iclaamiyay in Arbaco weliba dibadbax uu dhigayo ayay Ganacsatadu sheegtay in cabsi inteeda la eg iyo saameyn dhanka dhaqaalaha ah ay leedahay, sababta waa in welwelka uu yareynayo Ganacsiga xorta ah.

“Dowladda waxa aan ka codsaneynaa in ciidan ku filan xaafadda islii keento, xaafaddaan maalgashi fiican waxaa ku sameystay dadka Soomaalida ah, haddii mudaharaadka uu dhaco dhibaato ayaa ka dhalan karta, waad ogtahay in mucaaradku uu Arbaco weliba uu ku dhawaaqay bannaanbax, Dowladda waan kala hadalnay” ayuu yiri Cumar Ibraahim.

Xoghayaha Guddiga Ganacsatada Islii Cumar Ibraahim ayaa dhanka kale sheegay xiritaanka Goobaha Ganacsiga marka la iclaamiyo dibadbax ay hoos u dhigtay qulqulka dhaqaalaha oo xitaa dadka dalxiiska & qaraabo salaanka u tegay ehelkooda ay naftooda la cabsanaya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay kahortagga dibadbaxyada aan sharciga ku saleysneen ee Mucaaradku ku dhawaaqay, Ciidamada u tababaran kahortagga rabshada ayaa lagu arkayaa goobaha loo badinayo in isusoobaxa ka billaaban karo.

Like it? Share it!

Leave A Response