Garoonka leh dhabbaha diyaaradaha ugu dheer Afrika oo Berbera laga furay

by admin | Saturday, Nov 20, 2021 | 461 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jiray gigada diyaaradaha Berbera oo ay howlo dayactir iyo ballaadhinba muddo seddex sana ah ka socdeen la soo gabagabeeyey.

Garoonka oo qaar ka mid ah dowladdaha caalamka ay taageereen Somaliland ayaa ka mid ah kuwa ugu wanaagsan qaraadda Afrika dhanka dhismaha.

Garoonkan ayaa lagu wadaa inuu noqon doono mid wax badan ku soo kordhiyo dhaqaalaha Somaliland.

Gigada diyaaradaha Berbera oo lagu tilmaamo garoonnada qaaradda Afrika kuwooda ugu waaweyn dhanka waddada ay diyaaraudhu ka duulaan ama soo caga dhigtaan ayaa la dhisay 1960-yadii.

Like it? Share it!

Leave A Response