Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Somaliland oo billaabay diiwaangelinta musharixiinta u tartameysa golaha Shacabka

by admin | Saturday, Nov 20, 2021 | 376 views

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta billaabay diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa 9 kursi oo Golaha Shacabka ah oo todobaadkii hore uu isla guddigaan shaaciyay.

20ka illaa 22-ka November 2021 waxaa kaararka aqoonsiga qaadanaya Musharixiinta u tartameysa sagaalka kursi, waxaana ay marayaan buuxinta shuruudaha uu diyaariyay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka sida in uu musharaxa shubo lacagta la hordhigay.

Ka dib Guddiga ayaa lagu waddaa in uu gudagalo arrimaha ku saabsan xareynta ergada si loo dardargaliyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Gobolada Waqooyi oo doorashadooda ay ka dhacayso Muqdisho ayaa ah halkii lagu daahfuray doorashada xildhibaanada golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response