Dowladda Soomaaliya iyo qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujiyay abaaraha ka jira dalka

by admin | Saturday, Nov 20, 2021 | 563 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay ayaa ka deyriyay xaaladda abaaraha sii kordhaya ee ka jira guud ahaan Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin abaaraha sida xawliga  ah uga sii daraya ee dalka ka jira.

Qiyaastii 2.3 Malyan ayaa wajahaya biya la’aan iyo cunta yari ba’an iyadoo ay gureen ceelashii iyo biyihii kaydka ahaa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Like it? Share it!

Leave A Response