Qaramada Midoobay oo 8 milyan oo dollar u qoondaysay wax ka qabashada abaaraha ka jira Soomaaliya

by admin | Saturday, Nov 20, 2021 | 534 views

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa 8 milyan oo doolar uga qoondeeyay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah ee dhexe si wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jira xaalado abaareed oo aad u daran kadib markii labo xilli roobaad oo xiriir ah ay baaqdeen, gaar ahaan kuwa saameeyay Koonfurta Soomaaliya.

Xilli-roobaadka hadda ayaa sidoo kale la saadaaliyay in ay liitaan oo ilaa hadda ay ka hooseeyaan Taasi waxay keentay cunto yari iyo biyo yari, waxay halis galisay nolosha dadka, waxayna kordhisay khatarta cudurada faafa.

Saddexdii bilood ee u dambeeyay 2021, 3.5 milyan oo qof – 22 boqolkiiba dadweynaha – ayaa la filayaa inay soo wajahdo cunto yari, 1.2 milyan oo carruur ahna waxay u badan tahay inay hayso nafaqo-xumo ba’an.

Qoondayntan waxa ay u adeegaysaa laba ujeedo. Ugu horeyn, waxa ay maalgelin doontaa hawlo bini’aadantinimo oo degdeg ah oo lagu beegsanayo in ka badan 606,000 oo ka mid ah dadka ugu nugul Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Tallaabadani waxay diiradda saaraysaa gargaarka lacagta caddaanka ah ee aan shuruudda lahayn oo ah jawaabta ugu weyn, taas oo ka caawin doonta qoysaska inay daboolaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga.

Like it? Share it!

Leave A Response