George Conway oo loo magacaabay ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

by admin | Saturday, Aug 19, 2023 | 189 views

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa George Conway oo u dhashay dalka Canada u magacaabay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Iskuduwaha Deganaanshaha Soomaaliya. Mr. Conway waxa kale oo uu u adeegi doonaa isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada.

Mr. Conway ayaa xilka kala wareegay Adam Abdelmoula oo u dhashay dalka Sudan oo loo magacaabay Iskuduwaha Deganaanshaha Suuriya, wuxuuna Xoghayaha Guud uu uga mahadceliyay dadaalka iyo adeegga uu ka geystay Soomaaliya.

Mr. Conway waxa uu haystaa in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan ka hortagga dhibaatooyinka iyo nabad-dhisidda.

Waxa uu soo noqday Agaasimaha Hay’adda UNDP ee Soomaaliya (2013-2019). Waxa kale oo uu dhawr jagooyin sare ka soo qabtay UNDP, oo ay ka mid yihiin La-taliyaha Istiraatijiyadda Xafiiska Gobolka ee Afrika, Ku-simaha agaasimaha UNDP ee Koonfurta Suudaan, Madaxa Barnaamijyada ee Koonfurta Suudaan (Sudan), iyo Khabiirka Barnaamijka ka hortagga dhibaatooyinka iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Indonesia

Mr. Conway waxa uu shahaadada Master of Arts in International Affairs ka qaatay Jaamacadda Carleton ee Ottawa, shahaadada Master of Arts interdisciplinary ee Jaamacadda Western Ontario, iyo Bachelor of Arts in Anthropology oo uu ka qaatay Jaamacadda Winnipeg.

Like it? Share it!

Leave A Response