Go’aano & digniino laga soo saaray Amniga Magaalada Dhuusamareeb

by admin | Wednesday, Feb 24, 2021 | 309 views

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Amniga, waxaana fadhiga ku sugnaa Saraakiisha Amniga Caasimada, Maamulka Degmada Dhuusamareeb, Gudigga Amniga Baarlamaanka Galmudug iyo Masuuliyiin kale oo dhamaantood diirada saarey sida ugu haboon ee loo xoojin karo amaanka guud.
Wasaarada Amniga ayaa kulankan ku shaacisey in aan la aqbali doonin soo galinta waxyaabaha maanka dooriya ee Guddaha Deegaanada Galmudug iyo in Guriyaha laga kireeyo dad aan ogolaansho ka heysan laamaha amniga, isla markaana aan marin hubinta hey’addaha qaabilsan howlahaasi.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sharaxaad ka bixiyay Go’aanada kasoo baxay shirkaas ayaa sheegay in sidoo kale aan la aqbali Karin in hub sharci darro ah lagu dhex qaato gudaha Magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in maalin walba degaannada galmudug ay ka dhacaan colaad beeledyo, waxaana uu Ciidamada Amn iga ku amray inay tallabo ka qaadaan dadka hubka sharci darrada ah qaata.
Amaradaan la xiriira dhanka amniga ee laga soo saaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli bilihii la soo dhaafay ay dhowr jeer weeraro hoobiyeyaal ah ay magaalada ku qaadeen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response