Puntland oo faah faahisay sababaha keenay shuruudaha ay soo bandhigeen

by admin | Wednesday, Feb 24, 2021 | 311 views

Maamulka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay  shuruudaha cusub  oo ay xalay soo saareen, kuwaas oo la xiriiray ka qeyb noqoshada Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaanta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa sheegay in puntland ay diyaar u tahay in dalka uu ka gudbo marxalada kala-guurka iyo ka qeyb-galka shirarka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in shirarka looga hadlayo arrimaha dooashooyinka ay laga maarmaan tahay in Beesha Caalamka damaanad-qaad lag helo si loo xaqiijiyo inay fulaan heshiisyada lagu garo shirarka

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday inay ku fashilmeen dhor jeer fulinta qodobadii lagu heshiiyay, isla markaana ay tahay sababta ay u dalbanayaan in la helo gacan saddexaad oo goobjoog ka ahaata shirka wadatashiga doorashooyinka.

Isaga oo ka jawaabayey sababta ay Puntland u dooneyso in Beesha Caalamka door ku yeelato wadahadalada ayuu tibaaxay in madaxda dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ay ku fashilmeen fulinta heshiisyadii hore.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaanta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa wax lag weydiiyay sababta ay u dalbadeen in la bedelo taliyeyaasha Ciidamada, waxaana uu sheegay inay ka Shaqeyn ayaan ololaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin shuruudaha Cusub oo ay Puntland soo bandhigtay, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ku adag tahay fulinteeda dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response