Golaha Shacabka oo aan kulan yeelan 15-Cishe, haddaba maxaa ugu wacan?{SAWIRO}

by admin | Wednesday, Dec 2, 2020 | 343 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 24-kii October 2020 xili Kalsoonida la siiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Xildhibaannada kahor sheegay in uusan jirin waqti ay fasax ku qaataan si loosoo gaba-gabeeyo kalfadhiga 7-aad, muddo kadibna la furo kalfadhigooda 8-aad.

Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa sheegay in 26-ka October 2020 oo ah maalin kadib shaacinta go’aankaas in uu furmay kalfadhigooda 8-aad, sababtu waxa uu ku sheegay in howlo badan oo horyaalla & waqtiga ka dhiman muddo xileedkooda aan isu dhigmin.

Mursal waxaa kale oo uu Xildhibaannada ku wargeliyay in kulamadooda joogta ahaanayaan maalmaha Sabtida, Isniinta & Arbacada oo todobaadka, si loo dadejiyo howlaha ay huriwaayeen si loogu Xusuusto Baarlamaanka waqtiga kasii dhammaanaya.

Image may contain: 2 people

Mar ayuu is daba-joog noqday kulamada Baarlamaanka waana intii u dhaxeysay 26-ka October ilaa 16-ka November 2020, inkasta oo wixii ka dambeeyay bartamaha November 2020 uu gaabis ku yimid xawaaraha kulamada Laanta Xeer dejinta.

16-ka Cishe oo aan qabsoomin fadhiga guud ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaannadu kama maqna Magaalada oo waxa ay kala galeen qaanadaha siyaasadeed si ay markale u raadsanaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay oo ay soo shaac-baxday xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay Guddiga Doorashada, Hab maamulka Dowladda & kulamada Musharixiinta Madaxweynaha wax fadhi ah ma yeelan Aqalka Shacabka, waana tan ay is weydiinayaan dad badan.

Image may contain: one or more people, crowd and indoor

Xildhibaannada qaar ma hayaan xogta sababta keentay in aysan hal fadhi yeelan saddex todobaad, iyada oo laga baajiyay fasaxa sharciga ah oo ay dib ugu laaban lahaayeen deegaannadooda, halka shaqsiyaadka danaha gaarka ah u bixi lahaa ay ka baaqdeen.

Fadhiga uu yeeshay Golaha waxaa ugu dambeysay 16-ka November 2020, kulankoodii 6-aad ee kalfadhiga 8-aad, waxa uu Ajendaha ahaa u Codeynta xubnaha guddiga Adeegga Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Image may contain: 3 people, people sitting, table, child and indoor

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal & ku xigeenkiisa Cabdiwali Muudey ayaa 23-ka November 2020 socdaal aan laga sii warqabin ku tagay Shirka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ee saluugsan sida DFS ay wax u wado.

Image may contain: 1 person, table, wedding and indoor

Intaas waxaa dheer, kulamo siyaasadeedyo mar lagu martiqaaday & kuwo ka dhacay hoygiisa oo inta badan la yeeshay Musharixiin xilal kala duwan dalka dalka kasoo qabatay Sida Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariin Guuleed iyo shaqsiyaad kale.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo labo jeer soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa Xildhibaannada kahor sheegay in uu ka digayo in faaruq Baarlamaan uu dhaco, sida uu dastuurka dhigayana ilaa laga soo dhammeystirayo Baarlamaanka cusub shaqada ay sii wadayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response