“Shabaab waxa la dagaalamay waa dadka Deegaanka” Guddoomiyaha Bacaadweyn.{SAWIRO}

by admin | Wednesday, Dec 2, 2020 | 311 views

Axmed Daahir Macalin Guddoomiyaha Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaankaas uu sababay dhimasho, dhaawac & Gaadiid ay qaateen Al-Shabaab.

Waxa uu qiray Gaadiidka ay soo bandhigtay Al-Shabaab in ay ku qabsatay intii uu socday Dagaalka ka dhacay Deegaankaas, waxaana uu tilmaamay in meel ka baxsan Magaalada ay si kedis ah uga wateen Gaadiidkaan.

Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 10-qori oo ah nuuca Siliska leh Daba-jeexa (BKM) loo yaqaan, 40-Qori oo ah AK47, Gawaari dagaal iyo khasaare kale ayuu sheegay in ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

“Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maal ah, Gaadiidkaas wuu jiraa in ay wateen, meel ka baxsan Magaalada ayay si kedis ah ugu qaateen, balse dhankooda jab badan ayaa gaaray, Maydkoodu waxa uu daadsan yahay ilaa baadiyaha, waxaana ka qabsanay 10 BKM, 40 AK47 & Gaadiid” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Bacaadweyn.

“Dagaalka ka dhacay Bacaadweyn waxaa galay shacabka, Ciidanka & saraakiishu waxa ay nasoo gaareen markii dagaalka uu dhacay kadib, waxa ay go’aan ku gaareen sidii ay ka yeeli lahaayeen dadka dhiiggooda baneystay” ayuu raaciyay Guddoomiyaha Bacaadweyn.

Axmed Daahir Macalin Guddoomiyaha Bacaadweyn ayaa dhanka faah-faahiyay kulan dhexmaray Odoyaasha dhaqanka, maamulka, Saraakiil ciidan & xubno kale oo looga arrinsanayay Xaaladda Deegaanka.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay 6-Gaadiid oo ah nuuca Dagaal oo ku xiran qoryaha dagaalka sida Zuugga, Dhashiikaha & Qoriga loo yaqaan B10-ka, waxaana ay sheegtay in ay ku qabsatay dagaal Isniintii ka dhacay Bacaadweyn.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soosaaray waxa uu shacabka Deegaanka Bacaadweyn ku bogaadiyay Garab istaagga Ciidamada DFS oo Khasaare Al-Shabaab ku gaarsiiyay dagaalka ka dhacay Deegaankaas.

Like it? Share it!

Leave A Response