Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Magaalada Garoowe

by admin | Wednesday, Dec 2, 2020 | 353 views

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi uu ka dhacay Shil diyaaradeed, kaas oo faah faahino kala duwan ay kasoo baxayaan.

Shilka ayaa yimid, kadib markii Diyaarada AirJabuuti ee laga leeyahay Jamhuuriyada Jabuuti ay ku dhacday Garoonka,waxaana la xaqiijiyay in shilkaasi uusan geysan wax qasaaro ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in rakaabka saarnaa diyaarada ay sinabad ah uga dageen, hayeeshee la xaqiijiyey in qeybta Taayarada dambe ee diyaaradda ay waxyeelo kasoo gaareen.

Shilkan diyaaradeed ee Maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa saacado kadib markii shalay ay Hawada ku ciladoowday Diyaarad ay saarnaayeen mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle xilli ay kusii jeeday Magaalada Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response