Golaha Wakiilada Somaliland oo guddi muran dhalisay u saaray xeerka doorashooyinka isku sidkan

by admin | Monday, Sep 4, 2023 | 86 views

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland ayaa guddi 11 xildhibaan ka kooban u saaray iswaafajinta xeerka doorashooyinka iyo soojeedintii madaxda dhaqanka ee khilaafka doorashada.

Guddidan oo loo asteeyay in ay keento xeer doorasho oo waafaqsan isasaarka doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada siyaasada, ayaa buuq ka dhexdhalisay golaha iyadoo xildhibaanada qaar ka biyo diideen qaabka loo soo xulay.

Hadaba xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in ay la hadleen Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, isla markaana dib u sixid lagu samaynayo, iyada oo bogga golaha oo hore loogu baahiyay magacyada guddida hada laga saaray.

“Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in uu ku qaybiyay guddida qaab deegaameed, waxaanu guddoomiyaha usoo jeedinay in xeerka cida samaynaysa ay noqoto guddida arrimaha guddaha iyo amniga” mid kamid ah xildhibaanada diidan qaab xulista guddida ayaa sida yidhi.

Golaha Wakiilada ayaa sidookale aqbalay digreetadii madaxweynaha ee faraysay in xeer laga sameeyo isla markaana la dhaqan galiyo taladii odayaasha ee xalka u noqotay khilaafkii xukuumada iyo mucaaradka.

Like it? Share it!

Leave A Response