Xil. Maxamed Abiib: Hadii maalinba wax reero ku taliyeen la aqbalayo reero ayaa la wadayahay

by admin | Tuesday, Sep 5, 2023 | 101 views

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la aqbalo go’aamadii ay madaxda dhaqanku ka gaadheen khilaafkii doorashooyinka Somaliland.

Waxa uu sheegay in xeer sheegaya in la qabto doorasho isasaar ah hore loo sameeyay lakiin markii danbe daaqada laga tuuray, kadibna markii odayaashu doorasho isasaar ah go’aamiyeen hadana la aqbalay.

“Golaha wakiiladu shalay xeerkii uu sameeyay ayaa la diiday, xeer kale oo odayaal keeneen ayaa la aqbalay maanta, golaha wakiiladu goorma ayuu saxsanyahay, shalay ragii diidana ayaa saaka ku dagaalamayay” ayuu yidhi Abiib.

Waxa uu sheegay in doorashada isasaarka ah uu isagu hore usoo jeediyay lakiin sharcigeedii la laalay, maantana iyada oo aan cidna lagala tashan la meelmariyay, Guddoomiyaha Ururka Hilaac Axmed Ismaaciil Samatar ayuuna ugu baaqay in isna beeshiisa la shiro.

“Hadii maalinwalba wax qabiil gaar ahi kusoo shiro ay qaranka ka shaqaynayso, dee qabiilo ayaa la wadayahay iyo reero, reer reer ku qasbanina ma jiro, lakiin dantii aan wada qoranay iyo dastuurkii hadii laga boodo Axmed Ismaaciil Samar kalay Awdal shiri ayaan leeyahay” ayuu yidhi Abiib.

Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Cali Xaamud Jibriil, oo u jawaabay Abiib ayaa ku tilmaamay shakhsi aan daacad ahayn oo waxa uu sheegayo aan aaminsanayn, isaga oo sheegay in Abiib uu ka mid aha ragii kursiga golaha dhaafiyay reer Awdal ee dagaalka ka galay in aanu ku guulaysan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response